U bood dhigaalka

Kenya iyo Soomaaliya oo Heshiis Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday baarlamaanka Soomaaliya iyo Kan Kenya, kadib xildhibaano baarlamaanka Kenya ka socda oo soo booqdey magaalada Muqdisho dhawaan.

Waxa uu heshiiska dhigayaa in dib u eegis Kenya ay ku samaynayso dhaqdhaqaaqa labada dal ee xagga isu socodka, iyada oo la fududeynayo fiisaha , waxna laga qabanayo dariiqa ay diyaaradaha sii maraan ee magaalada Wajeer.

Kenya waxa ay balanqaaday in ay maalgashi ku samayn doonto Soomaaliya, islamarkaasina ay gacan ka geysan doonto xasilinta Soomaaliya.

Waxaa heshiiska ku xusan in arrimo badan oo isu soo dhawaanshaha labada dal ah laga shaqayn doono.

Waa heshiiskii ugu horeeyey oo noociisa ah oo labada baarlamaan ay kala saxiixdaan.

Goobjoog News