U bood dhigaalka

Xildhibaan Nuur Faarax “Gurmad Bini’aadannimo Haloo Geeyo Shacabka Baardheere”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo dhanka nolosha ah.

Xildhibaanka oo la socday wasiirka Gaashaandhiga oo shalay degmadaasi kormeer ku tagay ayaa tilmaamay in adeegyada bulshada ay aad u liitaan, dowladana looga baahan yahay in dadkaasi ay gurmad u geyso.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in hadda waxa ugu daran ee dadka u baahan yihiin ay tahay helista adeegyo caafimaad, kaalmooyin raashin ah iyo sidoo kale adeegyo badan oo nolosha dadka u muhiim ah.

“Aad bay gurmad ugu baahan yihiin, meeshii abaar baa ka jirta waxay u baahanyihiin in laga caawiyo Nolosha, waxaan fileynay in dowladda ay mucaawinno u geyso, dadka noocyada adeegga oo dhan ayeey u baahan yihiin” ayuu yiri xildhibaanka.

Degmada Baardheere waxaa muddo ka badan 5 sano gacanta ku hayay Al-shabaab, waxaana dhawaan degmadaasi la wareegay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News