U bood dhigaalka

Xildhibaan Nuur Faarax “Gurmad Bini’aadannimo Haloo Geeyo Shacabka Baardheere”

Ogoosto 21, 2015

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo dhanka nolosha ah.

Xildhibaanka oo la socday wasiirka Gaashaandhiga oo shalay degmadaasi kormeer ku tagay ayaa tilmaamay in adeegyada bulshada ay aad u liitaan, dowladana looga baahan yahay in dadkaasi ay gurmad u geyso.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in hadda waxa ugu daran ee dadka u baahan yihiin ay tahay helista adeegyo caafimaad, kaalmooyin raashin ah iyo sidoo kale adeegyo badan oo nolosha dadka u muhiim ah.

“Aad bay gurmad ugu baahan yihiin, meeshii abaar baa ka jirta waxay u baahanyihiin in laga caawiyo Nolosha, waxaan fileynay in dowladda ay mucaawinno u geyso, dadka noocyada adeegga oo dhan ayeey u baahan yihiin” ayuu yiri xildhibaanka.

Degmada Baardheere waxaa muddo ka badan 5 sano gacanta ku hayay Al-shabaab, waxaana dhawaan degmadaasi la wareegay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News