U bood dhigaalka

Jaamacadda SIMAD oo Daah Furtay Kuliyadda Caafimaadka iyo Mashaariic Isbitaal ku Jiro oo soo Socda

Sheeko:Dalka

Xalad lagu daah furayey dhismaha cusub ee Kuliyadda Caafimaadka SIMID ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda.

Horjoogaha Jaamacadda SIMAD Dahir Carab,  qaar ka tirsan Madaxda African Muslim Agency, arday iyo marti sharaf kale ayaa goobta ku sugnaa.

Mid ka mid milkiilayaasha Jaamacadda Dr. Cabdiraxan oo ah gudoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda SIMID oo  halkaas hadal ka jeediyay ayaa ugu horeyn ka hadlday in Jaamacadda aanay xiriir gaar ah la laheyn garab yada dalka ka jira, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:

“Waxaan arkaa dhismahan ay dhiseen Soomaalida, Jaamacadda SIMAD waa waxaa ay ku jirtaa jaamacadaha ugu fiican Qaaradda”

“Wakaaladda Muslimiinta Afrika weligeed cidna ma raacsaneyn, Hadana ma raacsana weligeedna ma raaci doonto xoog gaar ah, inaga waxaa daboolnaa Baahida walaalaheen Muslimiinta ah meel kasta o ay joogaan, waxaan heysanaa Kalsoonda dadka Mutabariciinta ah ee Mashaariicda waaweyn, ilaahay mahadiis”

Dr. Cabdiraxan ayaa Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Jaamacadaha iyo Iskuullada ay AMA gacanta ku heyso:

“Jaamacadda SIMID waa ku faanaa, Jaamacaddan waa mid ka mid 3 Jaamacadood oo aan leenahay, Waxaa Jaamacad ku leenahay Zinzibaar Jaamacadda Abdirahman Zubeyd, waxaan kaloo Jaamacad ku leenahay Nairobi oo ah Jaamacadda umadda, waxaa kaloo Jaamacado ka dhisi diinaan Beniin, Malaawi, waan sii badi doonaa inshaa-alaah”

“Sidaad ogtihiin waxaa kaloo leenahay ku dhawaan 240 Iskuul, dhamaan Qaaradda Afrika, waxaan rajeyneynaa in Iskuuladeena ay kaalimaha koobaad galaan, waxaa kaloo leenahay goobo lagu xanaaneeyo Agoonta”

Ugu Dambeuntii Dr. Cabdiraxan waxaa uu balan qaaday in ay sii wadayaan garab is taagga umadda Soomaaliyeed:

“Waxaa idiin sheegaa in aan halkan joogno, horayna u joognay 30 sano si aan u kaalmeyno walaalaheen Soomaaliyeed, waxaa ku kaalmeyn doonaa Jaamacadda SIMAD in ay soo bandhigto waxbarashada ugu fiican Ardayda Soomaaliyeed, Maanta waxaa furnay dhismaha Kuliyadda Caafimaadka, waxaan kaloo soo wadnaa Mashaariic kale”

“Dhul cusub ayaa helnay oo Jaamacadda qeyb ka noqon doona, waxaa dhisi doonaa Isbitaal, waxaa mar kale ku celinayaa in aan 30 sano joognay, aana jiigi doono inshaa-alaah”