Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Degmada Diinsoor
Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu gaaro degmada Diinsoor ee gobalka Baay, halkaasi oo dhawaan laga qabsaday Xarakada Al-shabaab.
Waxaa madaxweynaha socdaalkaan ku wehlin doona madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ciidamo horudhac u ah wafdiga Madaxwayne xasan Shiikh ayaa ku sugan Degmada Diinsoor sida ay ku waramayaan dadka Degaanka
Madaxwayne Xasan marka uu gaaro Degmada Diinsoor waxa lagu wadaa in uu kulamo la qaato xubnaha Maamulka Degmada iyo bulshada halkaasi ku sugan.
Degmada Diinsoor waxa ay ka mid tahay Degaanadii Ciidamada Dowlada ay ka saareen dagaalyanada Al Shabaab.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News