U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Guul Ka Sheegtay Dagaallo Ka Dhacay Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa guul ka sheegtay dagaallo shalay ka dhacay gobalka Gedo, oo ay la galeen Xarakada Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee maamulkaasi Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka saareen deeganno badan oo Gedo ka mid ah, islamarkaana ay sii wadayaan dagaalladaasi.

Waxa uu sheegay in dagaalkii shalay ay dhankooda ka dhimatay askar iyo mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku xigeenkii Baladxaawo iyo Taliyahii Booliiska Luuq.

“Ciidamadeena waxa ay khasaare xoogan gaarsiiyeen Al-shabaab, waxaan la wareegnay meello badan oo iyagu dadku ku gumaadayeen, ciidankuna wey sii socdaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Deegaanno ka mid ah Gedo waxaa ka dhacay dagaallo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana ciidamada Juubaland iyo kuwa AMISOM ay ku dhaqaaqeen deegaanno kale oo cusub.

Goobjoog News