U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Maamulka Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Heshiis Ku Gaaray Degmada Cadaado

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in goor dhaw madaxtooyada magaaladaasi ay heshiis ku kala saxiixdeen maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Heshiiskaan ayaa ka kooban qodobo dhowr ah, waxaana uu ku qotomaa sidii Ahlu-sunna ay qeyb uga noqon lahayd maamulka Galmudug.

Waxyaabaha ku xusan ayaa waxaa ka mid ah ka qeybgalinta Ahlu-sunna maamulka Galmudug, sida xildhibaanada, wasiirada, wasiiro ku xigeenada, agaasimayaasha iyo maamulada gobalada iyo degmooyinka.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo gudoomiyaha Seddaxda Gole ee Ahlu-sunna Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa heshiiskaan saxiixay.

Goor dhaw ayaan idiin soo gudbin donnaa qodobada heshiiska oo faah faahsan.

Goobjoog News