Akhriso 14-kii Qodob ee Bulshada Rayidka Ay Ku Biirisey Dib U Eegista Dastuurka

Kulan labo maalmood ka socdey magaalada Muqdisho oo looga hadlayay dib u eegista dastuurka oo ay ka qeybgaleen ururada bulshada rayidka ah ayaa waxa ay soo jeediyeen 14 qodob oo talo ah oo lagu biirinayo hanaanka dib u eegista dastuurka.
Qodobadani oo ah kuwa dhaxalgal ah ayaa waxa heshey Goobjoog News nuqul ka mid ah, waxayna u qornaayeen sida soo socota
1) Waxa si taxadar leh hoosta looga xariiqey in dib-‐u-‐eegista dastuurka iyo holwaha laggu wacyi galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u ayaan Soomaalida si dastuurku u noqdo mid Soomaali leedahay.
2)In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga la socodka Baarlamaanka
ee dib-‐u-‐eegista dastuurka, Guddiga Madaxa Banaan ee dib-‐u-‐eegista iyo hergelinta dastuurka iyo bulshada rayidka ah ay ka wada-‐shaqeeyaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedi-‐socodka dib-‐u-‐eegista dastuurka
3)Si loo sahlo wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo ururada bulshadu rayidka waxaa ay kala saxiixan doonaan nuqul isfaham (MoU) oo ay ku cadahay wadashaqayntooda.
4) Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuurka, waa in la tababaraa dad isugu jiro qaybaha kala duwan ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, culuma’udiinka, naafada iyo siyaasiyiinta.
5) Dastuurku waa in lagu qoraa luuqadda afka Soomaaliga, isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sahasho in shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo fahamkiisa.
6) Waxaaa la magacaabayaa Guddi talo bixin (Advisory Group) oo ka kooban xubno matalaya ururadda bulshada rayidka oo si joogta ah ula taliya Wasaaradda Arimaha Dastuurka.
7) Waa in ay hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka ah ay ka tala-‐
galiyaan ururada bulshada rayidka fariimaha lagu baahinayo aalahada warfaafinta si looga hortago in uu dhasho ama abuurmo dareen dhib u keeni kara geedi-‐socodka dib-‐u-‐eegista dastuurka.
8) Qaybaha ugu culus dib-‐u-‐eegista dastuurka waa arimaha quseeya siyaasadda, sidaas darteed waa In la qabto kulamo balaaran (town hall meetings) oo lagu falanqeynayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga ah.
9) In bulshada rayidka ah gaar ahaan ururadu qaabaysan ay noqdaan codkii u hadli lahaa dadweynaha
1 ) In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka muuqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dastuurkooda
11) In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaankaas
12) Waan in bulshadda baahida gaarka ah leh sida naafadda muuqata iyo tan aan muuqan lagu tixgaliyo baahida ay qabaan isla markaana xuquudooda la sugo.
13) Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo in ay caawiyaan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaliyeed waa in ay mideeyaan xoogooda, taladooda, xiriirintooda, isla markaana ay si joogta ah ula shaqeeyaan kana tala qaataan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi-‐ socodka dib-‐u-‐eegista dastuurka.
14) Maamuladda dalka ka jiraa waan in ay door muhim ah laga siiyo wadatshiga, dib–u-‐eegista iyo faafinta dastuurka.
Goobjoog News