U bood dhigaalka

Hargeysa: Dhallinyaro Bilawday Wacyigelinta Bulshada Ee Dhibaatada Qabyaaladda

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa ka bilawday Olole Ballaaran oo ay wadaan koox dhallinyaro ah, kaasi oo bulshada looga wacyigelinayo dhibaatada ka dhalan karta qabyaaladda.

Dadka ayaa loo sheegayaa in dhibaato badan ay leedahay qabyaaladda, islamarkaana laga doonayo inay ka feejignaadaan.

Dhallinyada wada Ololahaan waxaa kamid ah Cabdikariim Axmed Mooge, waxaana uu u sheegay Goobjoog News, in fikradaan ay timid ka dib markii ay is tuseen in shacabka Somaliland aan lagu kala geyn qabyaalad, islamarkaana ay si wadajir ah wax u qabsadaan.

Mooge ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyay in ololahaan uu noqdo mid hirgala, islamarkaana meesha ay ka baxdo qabyaaladda iyo isku takoorideeda.

Waa markii ugu horeysay oo olole noocaan ah laga billaabo magaalada Hargeysa, waxaana rajo badan laga muujiyay in qorshahaan ay billaabeen dhallinyarada ay noqoto mid hirgasha.

Goobjoog News