U bood dhigaalka

Soomaalida Kasoo Carartay Dagaallada Yemen Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii dalka Yemen ay ka billawdeen dagaallo xoogan, waxaa dalka dib ugu soo laabanayay Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo naftooda lasoo baxsaday.

Qaar ka mid ah qoysaskii soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa hadda waxay sheegayaan in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay hayso, iyaga oo dalbaday gurmad dhan walbo leh in lala gaaro.

Waxa ay tilmaameen in aysan haysan hoy wanaagsan, sidoo kalena ay taasi u dheertahay cunno iyo biyo la’aan.

Qoysaskaan ayaa u badan caruur iyo Haween, waxaana ay sheegeen in dalka markii ay yimaadeen filayeen in ay kaalmooyin ka helaan dowladda Federaalka iyo shacabka intiisa kale.

Shamso Ibraahim Macallin waxa ay ka mid tahay dadka kasoo cararay dagaallada Yemen, waxa ay haysataa dhowr caruur ah, waxaana wariyaheena Munasar u sheegtay in Buush yar ay ka dhisatay magaalada Muqdisho, balse roobabkii magaalada ka da’ay uu burburiyay, haatanna banaanka ay jiifaan.

Waxay tilmaantay in aysan musqul (Suulli) sidaa darteedna ay dalbanayaan in kaalmo degdeg ah lala soo gaaro.

Goobjoog News