U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaaraha Dalka Masar oo is Casilay

Sheeko:Dalka

Kulan Saaka oo Sabti ah dhexmaray Ra’isul Wasaaraha Masar Ibrahim Mixlib iyo Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitax SISI ayaa la sheegay in Ibrahim Mixlib isku casilay kadib muddo uu Ra’isul Wasaare ka ahaa dalka Masar.

Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifitax Al-Sisi ayaa Ing Ibrahim Mixlib  ka aqbalay Istiqaalada, kuna amaanay isaga iyo xukuumaddiisa shaqadii ay qabteen muddo uu sheegay in ay aad u adkeyd.

Mixlib ayaa Shaqada sii wadi doona muddo todobaad ilaa inta uu Madaxweyne SISI ka dooranayo Ra’isul Wasaare Cusub.

Mixlib ayaa is casilay kadib markii Cadaadis uga yimid Mucaaradka iyo Warfaainta dalka oo mudadii dambe ku eedeeyay in uu shaqadiisa gabay.