Afgambi: Ciidanka Burkina Faso oo Madaxweynaha Casilay, Xukuumaddana kala Diray

Lieutenant-Colonel Mamadou Bamba oo ka hadalay Telefishinka ayaa sheegay in ay soo afjareen Walaac badan iyo nidaam Kaligii Taliye ah iyagoo sameeyay golaha Dimoqoraadiyadda dalka.
Ciidanka ayaa sheegay in ay meesha ka saareen Madaxweynaha dalka Michel Kafando iyo xukuumadda Ra’isul wasaare Lt-Col Isaac Zida
Tallaabadan ayaa timid kaddib laba maalin oo guddi ay ku taliyeen in shaqada laga joojiyo ciidamada ilaaliya madaxtooyada.
Dalkaasi waxaa xilka xoog looga tuuray Madaxweynihii Mudada dheer ka talinayey Mr Blaise Compaore ,kaas dalkaasi ka cararay bishii October ee 2014.
Burkina Faso waxaa uu qorshaha ahaa in doorashooyin Dimoqoraadi ah ka dhacaan October 11 ee sanadkan kadib marka ay dhamaato mudada KMG ah..
Dowladdan KMG ahaeyd ayaa timid markii la eryay Madaxweyne Blaise Compaore oo dalkaas maamulayey 27 sano.