Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Lagu Weeraray Baladweyne
Ciidamada xarakada Al-shabaab ayaa jidka u galay gaadiid ay saarnaayeen wafdi xildhibaanno iyo mas’uuliyiinta maamulka gobalka Hiiraan isugu jiray, kuwaa oo kusoo socday dhanka Baladweyne, waxaana la sheegay in dagaal daqiiqado badan socday uu halkaasi ka dhacay.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Dahir Amin Jeesow iyo Xildhibaan Maxamed Cumar “Goodir, Maamulka gobolka Hiiraan ayaa wadada loo galay, Xildhibaan Maxamed Cumar “Goodir” ayaa sheegay in ay isaga iyo Xildhibaano kale ka badbaadeen weerar loogu geystay Deleedka Beledweyn, 6 qof ayaa ku dhimatay in ka 13 ayaa ku dhaawacmeen labada dhinac.
Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgallo ballaaran waxa ay ka wadaan duleedka magaalada Baladweyne, kaasi oo la sheegayo in amniga lagu xaqiijinayo.
Goobjoog News