U bood dhigaalka

Burcad Badeedda Haysata Shaqaale Iran Ah Oo Ka Hadlay Sababta Ku Kalliftay In Dadkaasi Qafaashaan (Wareysi)

Sheeko:Dalka

Koox burcad badeed ah oo dhawaan qafaashay shaqaale Iran u dhashay iyo markab ay la socdeen ayaa Goobjoog News, kaga warbixiyay sababta ku kalliftay in dadkaasi qafaashaan.

Khaliif Cismaan Karani oo ka mid ah Kooxda haysata shaqaalahaan ayaa sheegay in ay hayeen Laba Markab oo Kallumeysi ah iyo shaqaale la socday, balse mid ka mid ah uu baxsaday, horayna u wateen Afar qof oo ka mid ahaa ragii wax afduubtay.

Waxa uu sheegay sababta ugu weyn ee maraakiibtaasi iyo shaqaalaha saaran u qabsadeen ay tahay in dhibaato weyn ay kala kulmeen Kallumeysatada Soomaaliyeed oo rasaas iyo wax la mid ah kusoo ridaan xilliga badda la galo, sidaa darteedna ay go’aan ku gaareen in ay qabtaan doon walba oo badda kusoo xad gudubta.

Khaliif ayaa xaqiijiyay in ay la degeen 21-shaqaale oo u dhashay wadanka Iran, waxaana been abuur uu ku sheegay in ay soo caariseeyeen markabkii dadkaasi ay la saarnaayeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay Mr Khaliif in iyagu aysan ahayn Burcad badeed, balse ay yihiin ciidamo sugaya amniga Badda Soomaaliyeed.

Shalay ayaa burcad badeedaan Soomaaliyeed waxa ay dhulka baadiyaha ah ee Ceelhuur la galeen 21-shaqaale ah, kuwaasi oo u dhashay wadanka Iran.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga (Riix Halkaan)

Goobjoog News