U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Isaga Baxay Deegaanka Jannaale Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo Deegaanka Jannaale ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen ciidamada AMISOM.

Qof ku sugan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada AMISOM ay ay gabi ahaanba faarujiyeen fariisinkii ay ku lahaayeen Jannaale.

Markii ay ciidamada AMISOM ka guureen deegaanka Janaale, waxaa la xaqiijiyay in durba ay halkaasi tageen ciidamada Al-shabaab, kuwaa oo maanta howlgal guri guri ah halkaasi ka wada.

Shacabka ku dhaqan Jannaale ayaa walwal ka muujiyay xaaladda degdega isku bedashay, waxaana xiran guud ahaan xarumaha ganacsiga ee Jannaale.

1-dii September ayaa xarakada Al-shabaab weerar Ismiidaamin iyo toos isugu jira waxa ay ku qaadday xarun ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen Jannaale, halkaasi oo khasaare badan uu kasoo gaaray AMISOM.

Goobjoog News