U bood dhigaalka

Siyaasi Axmed Macallin Fiqi “Gudoomiyaha Baarlamaanka Waa Inuu Fasaxaa Mooshinka, Sharcigana Waafajiyaa”

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya howshii loo igmaday aysan u qaban sidii loogu talagalay, islamarkaana mooshinka hadda yaalla baarlamaanka uu noqday mid caqabado badan keenay.

Axmed Fiqi oo hadda ah xoghayaha guud ee xisbiga Daljir ayaa sheegay in dhinacyada mooshinnada iska soo horjeeda keenay oo ka wada tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay yihiin kuwa dhaawacaya dalka, loona baahnaa in wax walba sharciga la waafajiyo.

Waxa uu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari looga baahan yahay inuu fasaxo mooshinka, sidoo kalena u gudbiyo maxkamadda, loona maro waddo sharci ah.

Fiqi oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM ayaa dhinaca kale xusay in aan la aqbali doonin waqti kororsi ay sameyso dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu tilmaamay hadii ay dhacdo in muddo kororsi la sameeyo inuu dhici doono kacdoon shacab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in ay u jilcanaanto shacabka uguna sidii loogu tala galay ee dowladda u shaqeyso.

Goobjoog News