U bood dhigaalka

IGAD Oo Wada Hadal Ugu Baaqday Galmudug Iyo Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Urur gobaleedka IGAD ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeysa maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana ay ugu baaqeen in nabadda ay qaataan ayna xaliyaan xiisad walba oo dhexdooda ah.

Wakiilka u qaabilsan IGAD Arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dagaalladii ka dhacay Caabudwaaq ee u dhaxeeyay Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay Afey in ay si guud u cambaareynayaan xiisadda ka jirta Galgaduud ee u dhaxeysa Labadaasi dhinac, sidoo kalena loo baahan yahay in wax walba ay dhanka nabadda ka eegaan, wada hadalna la galo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in IGAD ay diyaar u tahay in dhinacyadaan ay ka caawiso wada hadal la galo iyo sidoo kale in la dhameeyo khilaaf walba oo jira.

Deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa maamulka Galmudug iyo maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Goobjoog News