U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Iyo Maamul Gobaleedyada Oo Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ka furmay shirka wada tashiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedya.

Shirkaan oo saxaafadda hadda dibad joog ay ka tahay ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxda dowladda Federaalka, Madaxweyanayaasha maamul gobaleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Shirkaan ayaa uljeedkiisu waxa uu yahay in laga wada tashado hanaanka ay u dhici doonto doorashada madaxtinimada dalka sanadka 2016-ka iyo sidoo kale in laga wada hadlo arrimaha ku aadan waxyaabaha la kala tabanayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News