U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Jirta Deegaanno Hoostaga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Deegaanno hoostaga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay ka taagan tahay biyo la’aan aad u baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo deegaanka.

Waxa ay cillad soo wajahday ceelkii kaliya ee deegaanadaasi Biyaha ka qaadan jireen, kaasi oo ku yaalla deegaanka Qorqora Dheer oo 10-km u jira Gaalkacyo.

Xasan Tuulo oo ah gudoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in shacabka ay halis ugu jiraan in halkaasi ay isaga barakacaan, hadii aanay helin gurmad degdeg oo dhanka Biyaha ah.

“Biyo dhan ma yaalaan, ceelkii wuu naga jabay, malahan Bamka biyaha soo saara, Matoor biyaha soo saara malahan, haantii Keydka malahan, qeylo dhaanna wey naga dhamaatay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale dadka ku dhaqan deegaanka Qorqora oo iyaguna u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay ka dalbanayaa cid walba oo wax awoodda in ay gurmad u fidiyaan oo dhanka biyaha ah, sidoo kalena ay gacan ka geystaan dib u habeynta ceelkaasi.

Dadkaan ku dhaqan deegaankaasi iyo deegaanada kale ee ku tiirsanaa ayaa halis waxa ay ugu jiraan in dhibaato ay kasoo gaarto biyo la’aanta haysa, hadii aanay gurmad degdeg ah helin.

Goobjoog News