SOSCENSA iyo Aqoonyahanno Ku Taliyay Nidaamka 4.5 Ee Doorashada 2016-ka
Maxamud Maxamed Culusow oo wareysi gaar ah maanta siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Nidaamka 4.5 uu yahay habka ugu haboon doorashada 2016-ka.
Culusow ayaa intaa ku daray in qodobkan ay ku heshiiyeen Bulshada rayidka, Aqoonyaho, dad ka shaqeeyay arimaha Siyaasadda oo ka soo qeyb galay ay gogoshiisa laheyd hay’adda Jilayaasha aan dowliga aheyn ee SOSCENSA.
SOSCENSA ayaa halkaas ku soo bandhigtay daraasad laga sameeyay Maqaalo 14 ah oo horay loo diyaariyay, qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah iyo Baaqii ka soo baxay Madasha Wada tashiga Qaranka.
Talooyin ilaa 13 qodob gaaraya ayaa shirka kasoo baxay sida in ay jirto la xisaabtan si kalsoonida beelaha kor loogu qaado, waxaa kaloo lagu taliyay in hal Xildhibaan ay soo doorato 100-182, Beesha dhexdeeda in ay is habeyso oo cadaalad ka jirto iyo arimo kale.
Tallooyinka la soo jeediyay waxaa ka mid ah in Mas’uuliyadda, Doorashada iyo lacagta ay yeeshaan beelaha.