U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Mar Kale Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay Usoo Safraan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa mar kale uga digtay muwaadiniinteeda inay usoo safraan Soomaaliya, oo ay sheegeen in weli amniga aanu ahayn mid la’isku halayn karo.

Waaxda arrimaha dinbadda Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay ugu sheegtay muwaadiniinteeda in aysan heli Karin caawinaad hadii ay u baahdaan markii ay dhibaato la kulmaan, madaama aysan jirin safaarad Maraykanka uga furan Soomaaliya waa sida qoraalka lagu sheegay.

Waxay sheegeen in weli xaaladda ammaanka ee Soomaaliya aanu ahayn mid sidii loo bahnaa u xasishay, waayo waxaa weli socda baa la yiri weeraro Al-shabaab fuliyaan, sidoo kalena Al-shabaab ay doonayan inay dilaan ama qafaashaan ajaaniibta.

Waaxda Arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa dhanka kale waxa ay u digtay maraakiibta caalamiga ah in ay ku safraan biyaha Soomaaliya iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah, si looga hortago qatar walba oo imaan karta.

Sanadkii 2014-ka ayaa dowladda Maraykanka sidaan oo kale waxay uga digtay in muwaadiniinteeda u safraan wadamada Soomaaliya iyo Uganda.

Goobjoog News