U bood dhigaalka

Biyo La’aan Baahsan Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Mid Ah Gobalka Bari

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan gobalka Bari ayaa laga soo sheegayaa in ay ka taagan tahay biyo la’aan baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Deegaanka isku shuban ee gobalka Bari ayaa lasoo sheegayaa in Booyadii biyaha la iibinayo lacag dhan 350 doolarka Maraykanka ah, halka horay ay u ahayd 200 oo doolar.

Maxamuud Ismaaciil Ciise oo ah gudoomiyaha deegaanka isku shuban oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hadii aan degdeg wax looga qaban xaaladda biyo la’aaneed ay halis geli doonto nolosha dad badan oo shacab ah.

Waxa uu gudoomiyaha sheegay in daka badi ay yihiin dan yar aan awoodin qiimaha sare ee lagu iibinayo biyaha inay wax ku iibsadaan, isaga oo maamulka Puntland ugu baaqay in gurmad biyo dhaamin ah ka billaabaan deeganadaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in deegaanada maamulkaasi ka arrimiyo ay ka jirto abaar baahsan.

Goobjoog News