U bood dhigaalka

Ciidamada Badda Oo Gacanta Ku Dhigay Doonyo Si Sharci Darro Ah Uga Kallumeysanayay Xeebaha Soomaaliya (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan Lix doon oo ah kuwa Kallumeysiga, kuwaasi oo si sharci darro ah uga kallmeysanayay Xeebaha Soomaaliya.

Lixda Doon ayaa Seddax ka mid ah waxaa laga leeyahay wadanka Iran, waxaana Seddaxda kale laga leeyahay dalka Yemen, iyadoo ay la socdaan ku dhawaad 100 qof oo shaqaale ah.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha doonyahani saaran waa caruur, waxaana dhammaantood maanta loo soo bandhigay saxaafadda.

Taliyaha ciidamada badda ee maamulka Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay dhawaanahan xeebaha Puntland ay ka wadeen howlgallo, islamarkaana ay soo qabteen doonyahan oo aan wax sharci ah haysan iyo shaqaalihii la socday.

‘’Sida aad hortiina ka argataan waxaa halkan taagan oo aan soo qabanay Doonyo Kalluumaysi Sharci daro ah waday oo dhan Lixda Seddex ka mid ah Doonyaha waa Iiraaniyiin, Saddexda kalena waa Yamaniyiin, ma jiraan wax sharci ah oo ay Badda kuso galeen ’’ Sidaa waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Badda Puntland

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in cid walba oo kusoo xad gudubta xeebaha Puntland, islamarkaana aan haysan sharci ay badda kusoo galaan ay ka qaadi doonaan tallaab sharciga waafaqsan.

“Kuwa aan sida sharciga ah ku Kalluumaysanayn waxaan horkeenaynaa sharciga talaabana waan ka qaadaynaa, doonta sharciga leh waa inay sharcigeeda wadataa, Kalluumaysatada sharciga ah waa inay mar kasta wataan sharcigooda”

Xeebaha Soomaaliya waxaa inta badan si sharci darro ah uga kalluumeysta maraakiib iyo doonyo laga leeyahay wadmo dhowr ah, mana ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale loo qabto doonyo sharci darro ku socday oo laga leeyahay dalalka Yemen iyo Iran.

D9 D8 D7 D6 D5 D4 D3 D2 D1

Goobjoog News