U bood dhigaalka

Waddooyinka Magaalada Muqdisho Qaarkood Oo Saaka Xiran

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo lagu arkayo ciidamo Booliis ah oo gaadiidka celinaya.

Wadada u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Taalada SYL ee Makka Al-mukarrama ayaa ah mid xiran, waxaana loo diidayaa in halkaasi ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Dhinaca kale isgoyska ceel gaabta ayeey wadadu ka xiran tahay, waxaana la diidayaa gaadiidka soo aadaya dhanka madaxtooyada.

Wadooyinkaan ayaa lagu jaray gaadiidka ciidamada Booliiska, waxaana gaadiidka dadweynaha loo sheegayaa in aan halkaasi la mari karin.

Inkastoo ulajeedka rasmiga ah ee saaka halkaasi u xiran tahay aan la sheegin, hadana waxay dadku u badinayaan arrimo la xiriira shirka qaran ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News