U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gobalka Galgaduud Oo Sheegay In Ay Sii Wadi Doonaan Weerarada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobalka Galgaduud ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Korneel Axmed Tareedisho oo hogaaminayay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Wabxo ee gobalka Galgaduud ayaa u sheegay Goobjoog News, inay ku wajahan yihiin deegaanno hor leh oo ka mid ah gobalkaasi.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada ay kasii dhaqaaqayaan deegaanka Wabxo, ayna la wareegi doonaan deegaannada kale ee Al-shabaab ka maamulaan gobalkaasi.

“Ciidamada xoogga dalka Ulajeedkooda ma ahan inay meel iska fariistaan, waxay la wareegi doonaan meel walba oo Al-shabaab kaga sugan yahay gobalkaan, waxaan qabsan donnaa meel walba oo ay shacabka ku gumaadayaan, dagaalkana wuu socon doonaa inta shacabkeena aan dhibka ka dul qaadeyno” ayuu yiri Korneelka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Wabxo ee gobalka Galgaduud iyo deegaanno kale oo deegaankaasi ku dhaw.

Goobjoog News