Maamulka Jubbaland Oo Soo Dhaweeyay War-murtiyeedkii Kasoo Baxay Shirkii Madasha Ee Muqdisho

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad ugu qanacsanyihiin war-murtiyeedkii maalin kahor laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga ee Doorashooyinka 2016, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta ee maamulkaasi Cabdi Nuur Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkani uu ahaa mid waxbadan ka duwan shirarkii hore, islamarkaana maamulkooda uu aad ugu qanacsan yahay waxyaabihii la’isla gartay.
Waxa uu sheegay Wasiirka in maamul gobaleeyda dalka ka jira ay muhiim ahayd sida looga qeyb galiyay shirkaasi, islamarkaana ay muuqatay in la wada doonayo Soomaaliya in horay loo sii dhaqaajiyo.
“Annaga hadii aynu nahay Jubbaland waxaan soo dhaweynay wax walba oo shirkaasi la’isku afgartay, midda kale annaga waxaan diyaar u nahay inaan kaalin ka qaadanno si walba oo Soomaaliya lagu hormarin karo” ayuu yiri wasiirka.
Maalin kahor ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Madasha wadatashiga ee Doorashooyinka 2016, waxaana shirkaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 10 qodob.
Goobjoog News