U bood dhigaalka

Kalfadhiga 7-aad Ee Baarlamaanka Federaalka Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shaaciyey in Maanta oo Axad ah uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka.

“Hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta oo Axad ah taariikhduna ku beegan tahay 25ka bisha October 2015, saacadda 9:00AM uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 7aad ee Golaha, sidaa daraadeed waxaa laga codsanayaa dhammaan Xildhibaannada in ay usoo diyaar garoobaan munaasabadda furitaanka Kalfadhiga iyo waajibaadka dastuuriga ah ee uga abaaran xil gudashada Kalfadhigan” –ayuu yiri Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Waxaa xusid mudan in Kalfadhigan 7aad ay Golaha hor yaalaan howlo culus oo dhammantood dalkan muhiim u ah, hada inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka waa ay wada yimaadeen, waxaanse ka codsanayaa Xildhibaannada haray ee weli maqan iney si deg deg ah dalka ugu soo xaroodaan si aan u amba qaadno dhameystirka howlaha nalaga doonayo inaan qabanno oo ah kuwo aan xil gudashadooda u dhaaranay” –ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Afhayeenka Baarlamaanka.

Sida ku cad qodobka 90-aad ee Dastuurka Dalka, xarafkiisa (G) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa furaya Kalfadhiyada Golaha Shacabka, waxaana Kalfadhigan 7aad Baarlamaanka laga doonayaa iney qabtaan howlo badan oo uga haray Lixdii Kalfadhi ee hore.

Goobjoog News