Baarlamaanka Jubbaland Oo Ka Shiraya Muddo Kordhin Loo Sameeyo Waqtiga Uu Axmed Madoobe Kusoo Dhisayo Wasiiradiisa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in xilligaan ay xarunta Caymiska ku shirayaan xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo cod u qaadaya codsi ka yimid Axmed Madoobe oo ah muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu soo magacaabayo Wasiirada maamulkaasi.
Codka oo noqon doona gacan taag ayeey xildhibaanada kala dooran doonaan in muddo kale ay Axmed Madoobe siiyaan ama ay u diidaan.
Horay waxa uu Axmed Madoobe u haystay Muddo Laba Bil ah inuu kusoo magacaabo wasiirada, taas oo dhamaad maraysa, hase ahaatee dhawaan ayuu hadane ka dalbaday xildhibaanada in waqti dheeraad ah sii siiyaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa shalay ka amba baxay magaalada Kismaayo, isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News