U bood dhigaalka

Diyaarad Ruush ah oo ay Saaran yihiin 200 oo Qof oo Burburtay

Oktoobar 31, 2015

Sida ay Xaqiijinayaan hay’adaha amaanka Masar, Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo ay saarnaayeen ilaa 200 oo qof ayaa ku dul-burburtay Jasiiradda Sinay ee waqooyi bari dalka Masar.

Dhankooda Mas’uul u hadlay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha waxaa uu sheegay in Diyaaradda ay burburtay isla markaana lagu guda jiro gurmad iyo Gargaar.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Duulimaadka ayaa sheegay  in  Airbus A-321 ayta ka duushay  Sharm el-Sheikh kuna sii jeeday St Petersburg lakin ay ku dul dhacday Sinay, Masar.

Warar kale ayaa sheegaya in diyaaradda ay saaran yihiin 217 rakaab ah iyo 7 shaqaalaheeda ah.