U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Hay’adaha Amniga Ku Amray Inay Soo Qabteen Kooxdii Ka Dambeysay Dilka Xildhibaan Gurxan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dilka xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay koox hubeysan ku dishay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaan u qorenaa:-

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo xalay fiidkii u geeriyooday dhaawac shalay Muqdisho loogu geystay.

Madaweynaha ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta ummadda iyo qarannimadda Soomaaliyeed ” ayuu yiri Madaxweynaha

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dishay Marxuum Maxamed Axmed.

—DHAMAAD—