U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Dooranaya Gudoomiyahooda Cusub

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta lagu wadaa inay doortaan gudoomiyahooda cusub, ka dib markii uu xilkaasi baneeyay gudoomiyahii hore Saciid Xasan Shire.

Magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal waxaa laga dareemayaa qaban qaabada loogu jiro doorashadaan, iyadoo dhowr musharrax ay u taagan yihiin qabashada xilkaasi.

Musharraxiinta xilkaasi u tartamaya waxaa ka tanaasulay Xildhibaan Saciid Daahir Qodax oo sheegay in musharraxiinta kale uu isku daayay.

Mudanaayasha kale maanta u tartami doona xilka gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa kala ah:-

  • Cabdixakii Xaaji Maxamed
  • Axmed Cali Xaashi
  • Saciid Cabdi Samatar

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar uu xalay casho sharaf u sameeyay dhammaan xildhibaanada Puntland, waxa uu kula dardaarmay in doorashada ay u dhacdo qaab hufnaan ah, islamarkaana uu la shaqeyn doono cid walba oo lasoo doorto.

Doorashadaan ayaa billaaban doonta abaare Seddax Saac iyo Bar subaxnimo (9:30 AM ), iyadoo amniga magaalada Garoowe aad loo adkeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News