U bood dhigaalka

Ciidamada Faransiiska Oo Baadi Goobaya Ragii Weeraray Paris

Sheeko:Dalka

Magaladda Paris iyo guud ahan dalka Fransiiska waxaa ka soconaya baadi goob loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa rag la aaminsanyahay in ay ka hareen dadkii weerarka ka geystay magaladda Paris ee dalkaasi.

Dagaal yahanno ka tirsan ururka IS ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen xasuuq loo geystay dad gaaraya 130 ruux oo badan kood ay Faransiis ahaayeen.

Booliiska dalka Fransiiska ayaa sheegay in shakiga ugu weyn hadda laga qabo nin magaciisa lagu sheegay Salah Abdeslam, oo 26 sano jir ah.

Booliiska ayaa laga soo xigtay in Salah Abdeslam, uu saarnaa baabuur ay isla Booliisku joojiyeen sabtidii, saacado uun kadib markii weerarku uu dhacay in kastoo xliga isaga iyo dadkii la socday Booliiska ay sii daayeen.

Shakiga ayaa sii batay kadib markii ninka la raadinayo walaalkii uu ka mid noqday raggii isku qarxiyey weerarkii Paris.

Dhinaca kale dowladda Faransiiska oo ka jawaabeysa Xasuuqii Paaris ayaa weeraro culus ka geysatay magaladda Raqqa ee dalka Siiriya halkaa oo ay ku xoogantahay dowladda Islaamiga ah.

Fiidiyow ay siideysay wasaradda difaaca dalka faransiiska ayaa muujiyey diyaaradaha Fransiiska oo duqeyn culus u geysanaya xarumaha IS.

Goobjoog News