Madaxweynaha France Oo Ku Hanjabay In Ay Burburin Doonaan Kooxda Daacish
Madaxweynaha dalka Fransiiska Francois Hollande ayaa wacad ku maray in dalkiisu uu bur burin doono xoogaga Dowladda Islaamiga ah.
Madaxaweynaha dalkaasi waxa uu doonaya in uu hirgeliyo Saddex Bilood oo xaalad deg deg ah taas oo u muuqaneysa in is badallo lagu sameynayo dastuurka dalkaa.
Francois Hollande ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso weerarada ka dhanka ah IS.
IS ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weeraro lagu qaaday Maqaaxiyo, Baarar, Hool riwaayadaha lagu daawado iyo Stadium ku yaala magallada Paris.
Isaga oo la hadlayey Labada aqal ee dalka Fransiiska ayuu Mr Hollande yiri” waxaa loo baahnaan doona in dastuurka dalkaa wax laga baalo, waxaan u baahanahay in aan helo habab kale oo aan aheyn in aan galno xaalad deg deg ah”
Faransiiska ayaa weli sii wada duqeymo xooggan oo ay ku hayaan magaladda Raqqa ee dalka sii riya halkaa oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada IS.
Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Faransiika oo shirka G20 uga qeyb galaya dalka Turkiga isaga oo matalaya Madaxweyne Hollande ayaa xusay in Fransiisku uu ku jiro maalmo aad u adag.
Mr Hollande ayaa qudbadiisa ku sheegay in uu si deg deg ah u safri doono si uu ula kulmo madaxweynayaasha dalalka Maraykanka iyo Ruushka Barack Obama iyo Vladimir Putin si uu ugula hadlo ciribtirka kooxda Daacish.
Hogaamiyayaasha caalamka ayaa u muujiyey dalka Fransiiska barbar istaag wixii ka dambeeyey weerarkii jimcadii.
Dhacdadii Paris ayaa shakiyo badan soo kala dhex gelisay Bulshooyinka diimaha kala duwan heysta ee kunool dalka Faransiiska iyo guud ahaan Yurub.