Sawirro Muujinaya Wixii Ay Soo Arkeen Guddiga Xaqiiqo Raadinta Ee Ku Baxay Xadka
Sheeko:Dalka

Guddiga Xaqiiqo Raadinta Xadka ee dowladda Federaalka ayaa Muqdisho Dib ugu soo laabtay shalay, isagoo soo sawiray wax alla wixii ay halkaas ku soo arkeen.
Waxaa Arbacadii dalka dib ugu soo laabtay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban Xukuumadda, Baarlamaanka, Ciidanka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Guddiga oo la filayo in ay baarlamaanka federaalka u sheegaan wixii ay soo arkeen ayaa waxaa la helayaa hor-u-dhac wixii ay soo arkeen, waxaana ka mid ah:
- In derbi la dhisay noo muuqan
- In aanu noo muuqan Calaamad xuduudeed la beddelay
- In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m
- Waxaan Buulo Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoozes la mariyey .
Guddiyada arrimaha gudaha, dibadda iyo diifaca baarlamaanka ayaa ka mid ah guddigan waxaana la filaayaa in ay warbixin hor dhigaan baarlamaanka Soomaaliya.
Goobjoog News