U bood dhigaalka

Ciidamada Koonfur Galbeed Oo Dhoolatus Ka Sameeyay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Booliiska ayaa maanta dhoolatus ciidan waxay ka sameeyeen wadooyinka waaweyn ee magaalda Baydhaba.

Ciidamadaan oo dhawaan tababar ku dhameystay magaaladaasi, ayaa gaada ka ciyaar kusoo bandhigay Baydhabo, iyadoo inta dhoolatuskaan ay wadeen ay dad badan wadooyinka isugu soo baxeen.

Ugu Dambeyn ciidamadaan ayaa la’isugu keenay Saldhigga magaalada Baydhaba, halkaasi oo ay kula hadleen saraakiil iyo wasiiro kamid ah maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaasi laga doonayo inay sugaan amniga, isaga oo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidankaan cusub.

Sidoo kale wasiirka ayaa dhinaca kale u ballan qaaday ciidamadan in ay heli doonaan xuquuqdooda iyo wax walba oo ay uga baahdaan maamulkaasi.

Goobjoog News