U bood dhigaalka

Ciidankii Ku Dagaallamay Magaalada Gaalkacyo Oo La Kala Qaaday

Sheeko:Dalka

Waxaa si rasmi ah loogu guuleystay in la kala qaado ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug ee dhawaan ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo.

Ciidankaan oo isku hor fadhiyay aagaggii ay ku dagaallameen ayaa wararku waxay sheegayaan in maamul walba uu ciidankiisa ka qaaday halkii colaadda ka jirtay.

Waxgarad ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News, in shacab badan ay kusoo xoomeen halka laga kala qaaday ciidamadii dagaallamay, islamarkaana shacabka ay is dhexgaleen.

Afar qodob oo ay ku heshiiyeen maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ku jira qodob ah in si shuruud la’aan ah lagu kala qaado ciidamada Labada dhinac si loo helo nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo.

Mudadii ay ciidankaan is hor fadhiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo waxaa haysay cabsi ah in mar kale uu dagaal dhaco.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa iyaga oo gacmaha is haysta waxay ballan ku qaadeen in dagaal dambe aanu ka dhicin Gaalkacyo, ayna ka shaqeynayaan nabadda iyo xasiloonida.

Goobjoog News