U bood dhigaalka

Barakac Ka Billawday Duleedka Degmada Dhuusamareeb Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Olol oo hoostaga degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa dadkii deganaa waxay ka billaabeen barakac baahsan, ka dib markii ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna ay isku gadaameen degmadaasi.

Ciidamadaan oo aad u badan ayaa la sheegay inay daba socdaan Sarkaal Ahlu-sunna ah oo shalay lagu dilay deegaankaasi, taasina ay keentay in ay xiisad ka dhalato.

Shacabka oo ka baqanaya in rag hubeysan oo ku sugan deegaankaasi iyo sidoo kale ciidamada Ahlu–sunna ay dagaallamaan ayaa waxay billaabeen inay deegaankaasi ka barakacaan.

Salaad Cali Cawaale oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Olol ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada Ahlu-sunna ay qabsadeen dhammaan ceelashii iyo xarumo kale oo muhiim ahy.

“Dadka iyaga oo naftooda u baqanaya ayeey kala carareen, waxaa soo dul fariistay ciidamo Ahlu-sunna ah oo aad u badan, marka cid nafteeda neceb malahan” ayuu yiri Mr Cawaale.

Maamulka Ahlu-sunna ayaa isku daynay inaan xiriir la sameenno, hase ahaatee inooma suurta gelin si aan arrintaan wax uga weydiinno.

Goobjoog News