U bood dhigaalka

Xildhibaanada oo Ka Dooday ilaalinta bedqabka dhulka iyo xuduudaha Soomaaliya, Loona qebiyay ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgashiga argagixisada.

Sheeko:Dalka

Kulanka 17aad, Kalfadhiga 7aad ee golaha shacabka waxaa ajendayaashiisa ka mid ahaa akhrinta 3aad sharciga iibka, qandaraasyada iyo dheef-wadaagga qaranka, waxaa sidoo kale ka mid ahaa akhrinta 1aad mashruuc sharci ku saabsan ilaalinta bedqabka dhulka iyo xuduudaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ajendaha waxaa ka mid ahaa qeybinta xeerka qoondada miisaaniyadda 2016-ka iyo qeybinta sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgashiga argagixisada.

Ugu horeyntii waxaa kulanka furay guddoomiyaha golaha shacbka Prof. Jawaari isagoo digniin u diray Xildhibaanada aan soo xaadirin kulanada golaha shacabka, Jawaari waxaa uu sheegay in baarlamaanka uu horyaallo howlo fara badan shuruuc iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

Xildhibaanada ayaa ka dooday sharci ka dhexdhashay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku saabsan ilaalinta bedqabka dhulka iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sharciyada ka qeybiyay waxaa ka mid ahaa sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

Sharciga waxaa lagu eegayaa dambiyada lacag dhaqista, dambiyada maalgelinta argigixisada, dhismaha guddi qaran oo ka howlgala lacag dhaqid iyo ka hortagga argigixisada, ciqaabta madaniga ah iyo falalka dambiga, ammarada qabashada iyo la wareegidda iyo arrimo kale oo ku saabsan Sharciyada ka qeybiyay waxaa ka mid ahaa sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.