U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug “Cid Aan Ka Baryeeno Malahan Xabad Joojinta Baladweyne”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid ay ka baryayaan joojinta dagaallada magaaladaasi.

Guuleed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Baladweyne ay u tageen sidii ay ku xallin lahaayeen dagaalkii ka dhacay magaaladaasi, islamarkaana ay dagaalka ku joojin doonaan wax walba oo ay awoodaan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Guuleed in dagaalka Baladweyne ku joojin doonaan, meeshii ay xal u arkaan, hadii ay ahaan lahayd in awood adeegsadaan, wada hadal iyo waan galaan iyo wixii la mid ah.

“Cid aan ka baryeeno haba yaraatee in xabadda la joojiyo malahan, xoog ayaan ku joojineynaa, walaalnimo ayaan ku joojinaynaa, wada hadal iyo baryo ayaan ku joojinaa, waxaan xoogga saareynaa sidii xabadda loo damin lahaa, waxaan rabnaa in habeen iyo maalin aan shaqeynno maxaa yeelay dhiig baa daadanaya” ayuu yiri madaxweyne Guuleed.

Beello wada deggan xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne ayaa dagaallamay, taasi oo keentay in xubno ka socda dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ay ku baxaan xallinta xiisadaasi jirta.

Goobjoog News