U bood dhigaalka

Cudurka Daacuun Caloolaha Oo Laga Baqayo Inuu Ku Faafo Xerada Qaxootiga Dhadhaab Ee Kenya

Sheeko:Dalka

Cudurka daacuun caloolaha ee sida saf-mareenka ah ugu dhaca dadka ee ku sii faafayey dalka Kenya in ka badan Sanad ayaa laga cabsi qabaa inuu gaaro xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ah xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka kuna taala meel u dhaw xuduudda Kenya ay la leedahay Soomaaliya waxaana qatartaas caafimaad ka digey dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee caafimaadka.

Waxay sheegeen in ka badan 540 qof oo deggan xerada Dhadhaab inuu saameeyey xanuunka daacuunka waxayna intaas ku dareen in dadkani ay ka muuqato tabar-darro ay ka qaadeen cudurkan ee ka dhasha biyaha wasaqeysan ama aan nadiifka ahayn oo ay isticmaalaan, bukaanada badankood waa carruur.

Qatarta cudurka ayaa laga dhawaajiyey kadib markii hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ay ka gaabiyeen caawinta qaxootiga jooga xerada Dhadhaab taasina waxay keentay iney yaraadaan tirada musqulaha iyo saabuunta ay isticmaalaan qaxootigu waxaana laga cabsi qabaa in cudurku uu sii faafo.

Xaqiiqda ah in cudurkani uu dilaacay ayaa muujineysa xaaladda caafimaad ee aadka u xun iyo xaaladda nololeed ee ka jirta xerada iyo weliba ineysan jirin qorshe la doonayo in wax looga qabto adeegyada caafimaad ee xerada sida uu sheegay madaxa dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee Kenya Charles Gaudry.

Dhadhaab waa dhisme weyn oo ka kooban illaa Seddex Xero kaas oo ay ku nool yihiin dad tiradooda lagu sheegay 90,000 oo qof kuwaas oo kasoo cararay dhibaatada mudada dheer ka jirtay dalka Soomaaliya.

Dhawr Sano ka hor tirada qaxootiga waxay ka badneyd 400,000 oo qof  laakiin tiradaas hoos ayeey u dhacday waxaana hadda lagu sheegaa tiradooda 330,000 sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Goobjoog News