U bood dhigaalka

Ciidamada NISA oo Kala Ceyriyay Aroos Wadareed ay soo Qabanqaabisay Safaaradda Iran ee Muqdisho Isla Markaana Xiray Shaqaalihii Safaaradda

Sheeko:Dalka

Ciidamada ka tirsan NISA ayaa u dhacay maanta xaflad aroos oo ay soo abaabushay safaaradda Iran ee Muqdishu isagoo kala diray dhalinyardii arooska loo dhigay.

Ciidamada NISA ayaa fasaxay Safiirka iyo shaqaale u dhashay Iran oo goobta ku sugnaa balse waxaa ay horay u kaxaeysteen shaqaalihii Soomaalida ahaa ee u shaqeynayey Safaaradda Iran.

Hay’ad lagu magacaabo Imaamu Khumeyni  oo Iran ah ayaa mar walbo waxa guur wadareed ku qabataa magaalada Muqdisho, waxaa muuqata in hay’adaha amniga ay heleen warar  aan fiicneen oo ku saabsan hay’addaas iyo shaqadeeda.

Safiirka Iran u fadhiya Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in xafladda la carqaladeeyay isagoo aan bixin tafaasiil dheeraad ah.

Sep 12, 2014: Hay’ad lagu magacaabo Imaamu Khumeyni oo Iran ay ka furatay Soomaaliya ayaa waxaa la sheegey  in ay isu guurisay dhallinyaro ay gacanta ku heyso oo wax barto, waxaana ay sidaas oo kale la qabatay munaasabad kuwii hore la mid ah oo ay afartameeyo dhalinyaro Soomaaliyeed isu guurisay  halmar iyadoo gudoonsiisay mucaawino iyo wax yaabo kale.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka dhallinyarada ee DF,  wuxuuna goobta ka sheegay in dowladdu ku faraxsan tahay hawlaha ay Iiraan ka wado Xamar.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay Cabduljaliil madaxa hey’adda Shiicada ee (Imaamu Khumeyni) kasoo si weyn ugu nuux nuuxsaday inuu dowladasu ay aad ugu faraxsantahay howlaha ay ka wadaan gudaha Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Xamar, waxaana uu hosta ka xariiqay in fursadani ay tahay fursada lagu kaalmeenayo Soomaalida, diintana lagu xoojinayo.

Sidoo kale waxaa aad loola socdaa in dalka Yeman ay dowlada Iraan ka aas aastay kooxo shiico ah oo loo yaqaan Xuuthiyiin kuwaasoo markii ay hub iyo dhaqaale siisay qarka u saaran iney maanta la wareegaan caasimadddalka Yeman ee Sanca.