U bood dhigaalka

Caruur Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Gobalka Sanaag

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay Seddax caruur ah ayaa u geeriyootay qarax Bam oo ka dhacay deegaanka Balli Busle ee gobalka Sanaag.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in caruurtaan ay ku ciyaarayeen Bamkaan oo ay meel waddo ah kasoo qaadeen, hase ahaatee uu ku qarxay.

Gudoomiyaha deegaankaasi Buraan Bootaan Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhacdooyinkaan ay noqdeen kuwo kusoo laab laabta deegaanka.

Waxa uu tilmaamay in mararka qaar caruurta ay hesho walxaha qarxa, islamarkaana ay isku dayaan inay ku ciyaaraan ama meel kale ku garaacaan, taasi oo sababta in qarax uu dhaco.

Haraadiga walxaha qarxa ee yaalla deegaanno ka mid ah gobalada dalka ayaa sabab u noqday in ay naftooda waayaan dad aan waxba ka aqoon walxahaasi kadib markii si qaldan u isticmaalaan.

Goobjoog News