Dowladda oo Lagula Taliyay Diyaarinta Maamulka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka hor inta aan la furi Shirka Maamul u samaynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.DHexe loo baahna in Dowlada Federaalka ay samayso Guddiga diyaarinta Maamulka labada Gobol.
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur ayaa sheegay in sababaha keenay in beelaha qaar ay tabasho muujiyaan ay tahay Guddigaas loona baahnaa in ka hor furitaanka shirka la dar dar galiyo.
Waxa uu xusay aqoonyahankan in Dowlada looga baahan yahay in ay qaado talaabo kasta oo ay ku xalinayso muranka hada soo ifbaxay ee ka imaanaya Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.
Waxa uu intaa warkiisa ku daray in ay wanaagsan tahay dhismaha Maamulka lagu midanayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.
Mar uu ka hadlayay shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo waxa uu sheegay Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim in uu ku talin lahaa in arimaha doorashooyinka laga hadlo marka Dowladu ay dhamaystirka Maamulada dalka