Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Ka Warbixyay Heerka Waxbarasho Ee Maxaabiista Xasbiga Dhexe

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu ku guulaystay In Dhallinyarada ku xiran Xabsiga Dhexe ay u sameeyaan dhaqan Celin islamarkaana ay xanaano ay u sameyeen Caruur badan oo ku dayacnayd wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Warkan ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa ka sheegay munaasabad in ka badan Boqol sariirood lagu gudoonsiiyay Maxabiista ku jirta Xabsiga Dhexe iyo Caruur xabsiga dhaqan celin ahaan ugu jirta Xabsiga.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in talaabooyinka ay qayb ka yihiin dadaallo ay ku doonayaan in isbedel ay ugu sameyeen shaqada ka socota Xabsiga DHexe ee Xamar.
Caruurtii darbiyada ku cabi jiray Koolooyinka ayuu sheegay in ay u sameeyeen xanaano iyo sidoo kale in wax la baro, iyaga oo isbedal laga dareemayo.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleysteen sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaalia Maxamed Carte Qaalib ayaa sheegay in shaqo wanaagsan uu soo bandhigay Taliska Asluubta Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaare ku xigeenka in loo baahan yahay dar dar galinta howsha la xiriirta dhaqan Celinta Caruurta Soomaaliyeed.
Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dadaal badan u galay sidii aqoontooda sare loogu qaadi lahaa maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale caruurta ay kasoo uruuriyeen waddooyinka magaalada Muqdisho.
Goobjoog News