U bood dhigaalka

12 Isbaaro oo Laga Dhigtay Wadada Isku Xirta Degmada Afgooye iyo Deegaanka No. 50.

Sheeko:Dalka

Gobolka Shabeelada hoose waxaa dhibaato ba’an ku haya isbaarooyinka, waxaa isbaarooyin laga sheegayaa wadooyin badan oo gobolka ah, taasi amni dari keeneysa.

Goobjoog News ayaa ogaatay in wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka No 50 ay yaallaan 12 Isbaaro oo ay dheer yihiin kuwa soo boodada ah.

Isbaarooyinkani ayaa caqabad ku noqday dad badan oo u kala goosha gobalka Shabeellaha Hoose deegaanno badan oo kamid ah.

2013-dii sidan oo kale Goobjoog ayaa soo bandhigtay tirada guud ee isbaarooyinkii yaallay deegaanno kamid ah gobalka SHabeellaha Hoose, taasoo ka jawaab celisay markii dambe dowladda federaalka Soomaaliya.

Degaanada Gobolka Sh.Hoose waxa wali ka jira dhibaatada ku saabsan isbaarooyinka ,  waxana intooda badan lagu eedeyaa isbaarooyinka koox xiran dharka ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News