U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Cambaareeyay Tijaabadii Gantaalka Ee Waqooyiga Kuuriya

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey tijaabadii gantaalka ridada dheer oo dalka Kuuriyada Waqooyi uu tijaabiyey.

Kadib kulan degdeg ah oo ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in cunaqabateyn degdeg ah lagu soo rogi doono dalka Kuuriyada Waqooyi.

Pyongyang ayaa ku dooday in tijaabadani ay salka ku heyso hourumaro la xiriira dhanka santaleedka oo aan loo adeegsan doonin hurinta colaad, basle dadka naqdiya Kuurida Waqooyi ayaa aamninsan in u jeedada kuuriya ay tahay in ay horumariso gantaalka Balastikada ah ee Nuckleyrka.

Golaha Ammaanka oo kulan albaabadu u xirinyihiin yeeshay ayaa ku tilmaamay tillaabada dowladda kuuriyada Waqooyi in ay tahay ” xadgudub khatar ah “.

Safiirka Mareykanka ee UN-ka Samantha Power ayaa sheegtay in Washington ay hubto in Golaha Ammaanku uu tillaabo adag ka qaadidoono Pyongyang.

Warka Safiirka dalka Mareykanka waxaa aad u soo dhaweeyey Dowladda Japan waxa uuna wakiilkooda qaramada Midoobay xusay in cunaqabateentu ay aad u adkaato.

Safiirka Japan Motohide Yoshikawa ayaa yiri’ cunaqabateenta iminka saaran Kuuriyada Waqooyi ay tahay mid ka Joojin weysay dalkaa in uu Fidnada Joojiyo.

Goobjoog News