U bood dhigaalka

Dowladda Hoose Oo Burburin Ku Billowday Boorarka Ku Qoran Afafka Qalaad

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa subaxnimada isniinta bilaabay burburinta boorarka ku qoran afafka qalaad ee ku dhegen waddooyinka magaalada Muqdisho.

Burburinta ayaa ka bilaabatay Wadada Mekka Al-Mukarama oo ah waddo ka mid aha waddooyinka ugu shaqada badan caasimadda Muqdisho.

Dowladda hoose ayaa axaddii sheegtay in 24 saac gudahood lagu xalliyo boorarka ku qoran afafka qalaad, laguna bedelo qoraalkooda afka Soomalaiga.

Waxay ahayd markii labaad, horay waxaa uu maamulka ugu qabtay labo todobaad, laakiin shacabka ayay ku adkaatay arrinkaas.

Ganacsatada waxaa ay ku doodayaan in waqti gaaban la siiyay, iyagoo codsaday in marka hore laga soo bilaabo xafiisyada dowladda iyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan ganacsato u hogaansantay amarka dowladda  hoose oo bedelay magacyadii afka qalaad ee ku  qornaa goobaha ay ku ganacsadaan.