U bood dhigaalka

Afar Ruux Oo Isku Qoys Ah Ayaa Ku Geeriyootay Madaafiic Kusoo Dhacday Xaafado Ka Tirsan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmooyinka Howlwadaag iyo Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw xaafado ka tirsan degmooyinkaasi lagu garaacay madaafiic sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Madaafiicdaan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa la sheegay in ay ku dhaceen xaafadda Cago dhiig ee degmada Warta-nabadda iyo sidoo kale xaafad ku dhaw xarunta degmada Howlwadaag.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay 4 ruux oo isku qoys ah kadib markii uu madfac ku habsaday gurigooda, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Khasaaraha ka dhashay madaafiicdaan ayaa intaasi kasii badan karo, iyadoo dhammaan dadkii waxyeelladu soo gaartay ay u gurmadeen gaadiidka gurmadka degdega ah loona qaaday Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News