U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Jirta Deegaanno Ku Dhaw Degmada Dhuusamareeb Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan deegaanka Shimbiraalle ee hoostaga degmada Dhuusmaareeb ee gobolka Galgaduud ayaa xilligaan ka cabanaya biyo la’aan baahsan oo deegaankooda ka jirta.

Maxamed Xirsi oo ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa isag oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in dad badan ay saameyn ku yeelatay biyo la’aantaan, islamarkaana aanay jirin meel dhaw oo biyo ay u doontaan.

Waxa uu sheegayu sidoo kale in markii hore ay deegaankaasi ka shaqeynayeen ceelal Matoor ku shaqeeya balse haatan aysan jirin ceelalkaasi kadib cillado soo wajahay.

“Biyo la’aantan dad badan ayeey saameysay deegaanno fog baa biyaha laga keenaa, mararka qaar Dhuusamareeb ayaa loo baxaa, xanuunno ayaa ka dhashay biyahan la waayay, dadku ma haystaan hadda biyo nadiif ah oo ay cabaan” ayuu yiri Maxamed

Ugu dambeyn ayuu ka dalbday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed in gurmad biyo dhaamin ah u sameeyaan shacabka ku dhaqan deegaanka Shimbiraalle ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News