U bood dhigaalka

Booliiska Mareykanka oo Dhaawacay Wiil Soomaali iyo Dibad Baxyo Ka Dhashay

Sheeko:Dalka

Boqolaal dibad baxayaal ah ayaa isugu soo baxay Salt Lake City oo ka tirsan Utah, dadkan ayaa cambaareeyay dhaawac ay booliiska Mareykanka u geysteen wiil 17 jir ah oo Soomaali ah.

Dibad baxan oo dhacay habeenklii Isniinta ayey dibad baxayaasha ku dalbadeen in lala xisaabtamo Booliiska arrintaas ka dambeeyay.

Dhaawaca ay Booliiska u geysteen Cabdi Maxamed waxaa uu keenay in su’aalo la iska weydiiyo qaabka ay Booliiska Mareykanka ula dhaqmaan dadka laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaas.

Cabdi oo la dhaawacay Sabtidii waxaa ay qosykiisa sheegayaan in haatan aanu Coma ku jirin.

Dadka dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayey“ joojiyo dilka aad waddaan” waxaa ay codsadeen in la sameeyo baaritaan adag.

Dhankooda Booliiska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan arrinkaas la xiriira, iyagoo dib u hubiyay Camerooyin goobta ku dhegenaa.

Qosyka Cabdi waxaa ay ka tageen Soomaaliya iyagoo Mareyakanka ka galay dalka Kenya, waxaa ay dalkaas galeen 2004-tii, waxaa arrintan aad uga naxay dadka deegaanka.

Goobjoog News