U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Gaari Hub Siday Ku Qabtay Duleedka Degmada Cadaado Ee Galgaduud

Maarso 8, 2016

Ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay gacanta ku dhigeen gaari la sheegay in uu hub u waday Ahlu-sunna Waljameeca.

Howlgalkaan lagu qabtay hubkaan oo shalay ay ciidanka sameeyeen ayaa ka dhacay deegaanka Dhuumoodle oo dhinaca galbeed 25-km kaga beegan degmada Cadaado ee gobolka Mudug.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugidda ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News xafiiska Cadaado in hubkaan uu isugu jiro rasaas iyo qoryo, balse ay baaritaan ku wadaan.

Ahlu-sunna Waljameeca weli kama aanay hadal hubkaan la sheegayo in uu iyaga u socday.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana Ahlu-sunna dagaalkaasi ay ku eedeeysay maamulka Galmudug.

Goobjoog News